Shacabka Baladweyne Oo Isugu Darsamay Dagaallo Iyo Fatahaad

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa shalay ka billowday dagaal beeleed u dhaxeeya beello walaalo ah oo ku dhaqan xaafadda howlwadaag ee magaaladaasi.
Saaka oo Arbaco ah ayaa lagu soo waramayaa in dagaalladaasi ay dib u billowdeen iyadoo khasaare kala duwanna dagaalladu ay ka dhasheen.
Waxaa saakay la maqlayaa rasaas xooggan oo ay isku adeegsanayaan dhinacayada ku dagaallamay Baladweyne, iyadoo dhaawacyo badanna la gaarsiiyey isbitaalka magaaladaasi.
Xaafadaha hadda lagu dagaallamayo waa kuwo ay go’doomiyeen Biyihii kasoo fatahay Wabiga Shabelle, waxaana dadku ay ahaayeen kuwo markii hore garan la’aa sida ay isaga maareeyaan biyahan hase ahaatee dagaal loogu dul daray.
Maleeshiyaadka ku dagaallamaya xaafadda Howlwadaag ayaa dhowr jeer sidaan oo kale ay u dagaallameen waxaa kala dhexgalay ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.
Mas’uuliyiin u hadashay maamulka magaalada Baladweyne waxay ku baaqeen in degdeg lagu joojiyo dagaalladaasi laakiinse ma muuqato ficillo lagu kala dhexgalayo dhinacyadan is haya.
Waxaa xiran waddooyin badan oo xaafaddaasi loo mari lahaa waxayna sababtu tahay fatahaadda Wabiga Shabelle.
Waxaa adag in ciidanka AMISOM ay si degdeg ah ku kala dhexgalaan dhinacyadan dagaallamaya, waxaana yar meelaha ay gaadiidka mari karaan.
Dadka dhaawaca ah ayaa Isbitaalka Baladweyne lagu keenaa dad badan oo biyaha lasoo dhex gudba ama gaari dameerro.
Wariyaha Goobjoog News ee gobolka Hiiraan Khaalid Ilka Case oo ku sugan Baladweyne ayaa soo sheegaya in dagaalladan ay sidoo kale saameyn weyn ku yeesheen xaafadihii kale ee magaaladaasi sababtuna ay tahay rasaas habow ah oo gaareysa magaalada.
Maamulka Isbitaalka Baladweyne oo aynu xiriir la sameynay waxay sheegeen in Isbitaalka la geeyay ruux jidka kusoo dhintay, sidoo kalena dhaawaca saaka 2 uu yahay.
Dagaalka hadda waxa sii cusleynaya ayaa lasoo sheegayaa inay tahay Buundadii kaliya ee loo mari lahaa dhinacyadan in iyagu ay Labada dhinac ka fadhiyaan iskuna dagaallayaan, iyadoo meelihii kalena Wabiga uu biyo buux dhaafiyey.
Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa looga fadhiyaa go’aanka uu ka qaadan doono dagaalladan ka socda Baladweyne, iyadoo shacabka ay yihiin kuwo hali badan ku jira.
Goobjoog News