Ciidamada AMISOM oo isugu jira Itoobiyaan iyo Jabuuti ayaa goor dhaw xoog ku kala dhex galay dhinacyadii ku dagaallamayey xaafadda Howlwadaag ee magaaladaasi.
Wariyaasheena ku sugan magaaladaasi ayaa soo sheegaya in ciidanka AMISOM oo aad u hubeysan ay dhanka Buundada ka galeen xaafadda Howlwadaag ee magaaladaasi.
Hadda rasaas laga maqalayo halkii lagu dagaallamayey ma jirto, waxaana xaafadda Howlwadaag oo biyo badan fadhiyaan ku qulqulaya ciidanka AMISOM.




From the comments