Madaxweyne Xasan “Haddii Aan Tashan Weyno Ma Hureyno In Naloo Taliyo”

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyey xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaaladda iminka dalka uu ku sugan yahay iyo arrimaha la xiriira doorashooyink.
Haddaba Goobjoog News ayaa qoraal idiin kugu bedeshay khudbaddii uu jeediyey madaxweyne Xasan Billow illaa dhammaad:-
“Mudane Guddoomiye aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay xildhibaannaduna wey mahadsanyihiin, fursad weeye maanta inaan soo hor istaago baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si aan arrimaha dalka iyo siyaasaddii iyo gaar ahaan arrimaha doorashooyinka xilligaan wax isaga sheegno, baarlamaanka Sharafta leh waxaan mareynaa waqti aad iyo aad xasaasi u ah oo aan u baahannahay in wax badan aan ka midowno iyo in wax badan dabacsanaan ka muujinno, dabcan dalkaan taariikhiyan siyaasaddiisa wey socotaa meeshi ay soo martay iyo maanta meesha ay marayso iyo berri si kasta ay u socotoba maalinba maalinta ka dambeysa waa la sii hagaajinayaa weyna sii ballaaraneysaa”
“Maalmihii la soo dhaafay aad ayaan u dhageysanayey dareenka xildhibaannada baarlamaanka ay ka qabaan arrimaha doorashooyin, waxbadan oo dareenkooda ka mid ah waa dareen sax ah oo qofka uu qabi karo marka uu mas’uul yahay oo uu matalayo wakiilna ka yahay dad dhan, in dareemada noocaasi iyo digniinaha, feejignaanta noocaasi ah inuu qabo waa wax aan leeyahay waa sax, waana waajibaadka baarlamaanka saaran ayey ka mid yihiin
“Aniga oo dhinacaasi garowshiyo badan ka muujinayo dareenka dadka ay qabaan iyo waxa ay ka hadlayaan intaba hadana walaalayaal waxaan ka hadleynaa waa masiirka umaddeena iyo dalkeena marmarka qaarkood in go’aanno ad adag iyo waxyaabo badan oo aan kugu adag adiga inaad aqbasho ama qaadato waxaan u maleynaa mas’uuliyadda ugu weyn ee midda qaranka ah inay ku jirto, baarlamaanka Federaalka waxa uu matalaa dalka Soomaaliya, qaranka Soomaaliya ayuu wakiil u yahay, sharci dejin u yahay, dowladnimada iyo qarannimada meeshii ay taallay oo wax walbo meeshi ay kasoo burqanayeen waaye, marka mararka qaarkood waxaan u baahannahay annaga oo og dareennada dadka iyo deegaannada aan kasoo jeedno iyo sida ay yihiin iyo waxa ay tabanayaan iyo xannuunkii hore ee lasoo maray iyo waayo aragnimadii waxyaabo badan weli inay ku dheggan yihiin, hadane dhammaanteen xanuunka aan soo wada marnay meeshaan waxaan kusoo gaarnay inaan tanaasulaad kasoo suubinnay, dulqaad inaan kasoo suubinnay inaan mustqabalka iyo waxa dambe aan rajada badan aan ku xirnay, shalay inaan la noolaanin ee berri inaan ku noolaanno oo aan hiigsanno waaye waxa aan meeshaan kusoo gaarnay kumeynaan soo gaarin hadii aan ku dheganaanno wixii shalay dhacay maanta ma aaney soo gaarneen maantana hadii aan ku dhegannaano ama wixii shalay dhacay berri ayeynaan gaareen, addunyadu waa Seddax, shalay oo lasoo dhaafay, maanta oo joogno iyo berri, shalay waansoo dhaafnay nooma soo noqoneyso waxay leedahay waayo aragnimo, wax ka qaadasho iyo wax ka barasho, maantana waxay leedahay inaan ka gudubno shalay wixii dhacay ee dhib ahaa, wixii wanaagsanaan ee shalay noo qabsoomay inaan ku celcelinno oo aan sii hagaajinno oo aan sii qurxinno ayeey leedahay, waxay kaloo leedahay inaan u diyaar garowno berri oo wixii shalay ama maanta naga qaldamay inaysan berri naga qaldamin, waxaan kaloo rabaa aniga oo og xildhibaannada inay garanayaan inaan ku bogaadiyo, waxaan garanayaa idinka mid baan ahay waan idin la wadaagaa xanuunkii shalay, wixii qaldmay, naga xumaaday shalay kulli waan wada ognahay, maanta ayaan joognaa, waxaan kusoo gaarnay maanta waxbadan oo wixii shalay naga qalday ama naga xumaaday oo aan kasoo gudubnay ka guuleysanna oo aan ka adkeysannay tanasul ka muujinay ayaan maanta ku nimid”
“Waxaan u baahannahay maanta waxyaabaha qabyada ah ee naga dhiman in badan oo naga mid ah inaan ku dhiiranno oo horay ugu sii soconno, arrinta 2016 waxyaabo mabaadi oo waaweyn oo culus oo horay intaan uga soo doodnay isla garannay ayaa jira oo u baahan ayaga lafsadooda inaan dhowro u baahan baa jira, waxaan isla soo garannay in 2016 in aysan dhici karin doorasho Qof iyo cod ah, laakiin in ay dhacdo doorasho dad badan waan isku soo raacnay waana kasoo doonay, siyaabo kala duwan ayaan usoo dhignay waana isla soo qaadannay intaasi, waxaan isla soo qaadannay oo baarlamaankuna ku mahadsan yahay xilligeedii inay dhacdo oo aanay wax dib u dhicid intaan ka maarmi karno inaan ka maaranno oo baarlamaankan waxqtigiisa markii uu dhamaado baarlamaankii kale la keeno iyadana waan isla garannay oo waan isla qaadannay, Markii aan qaadannay Labadaasi babda wixii kasoo hara waa wixii inoo suurta gelinayay in Labadaasi dhacaan ama sameynno, inaan go’aannadaasi iyo tallaabooyinkaasi aan qaadannay oo horay iskula garannay waxbo nagama aysn bi’in laakiin magac , muuqaal iyo mas’uuliyad la gudanayo oo loo taagan yahay oo dalkii la riixayo horay loo wado in dadka Soomaaliyeedna inoo fahmaan caalamkana inoo fahmaan waaye, go’aannadaasi aan gaarnay wax badan oo dabarra ah oo dibadda ah oo Soomaaliya ku xirxirnaa ayeey ka furtay, wax badan oo rajo ah oo dadka gudaha jooga oo in wixii wax cusub kale imanayaan wey soo kicisay oo waad wada arkeysaan annaga dhanba meeshi aan joognay iyo mas’uuliyadihii aan haynay waa loo soo wada istaagay nalagu haystaa oo ay leeyihiin markaan annaga ayaa qabaneyna taasna waa rajo, qofka rajo masoo geli lahayn oo ma dhihi lahayn madaxweyne ayaan rabaa inaan noqdo, xildhibaana ama inaan galo aqalka sare hadii aan annaga abuuri lahayn waxaan sida ay ku dhacayaan, waana arkeynaa dadkeenii rajadaasi ayaa ku wada jirta, intaas ayaa u taagan madaxweynenimo, xildhibaannino, guddoon baarlamaanka intaas ayaa meel walbo u taagan oo leh waa fursaddeenna ayaa timid waqtigeenna ayaan qaadaneynaa, waxaan rabnaa sida ugu saxsan ugu macquulsan ugu wanaagsan oo maanta wax noogu dhici karaan in ay noogu dhacaan”
“Intaas oo dhan annaga oo wada og inoogu taalla buugga waxaan baarlamaanka Federaalka ka codsanayaa misane aan leeyahay waqtiga wuu na dilayaa nalamana jiro, horayna waa taan go’aan usoo gaarnay oo aan dhahnay wax walbo waqtigooda haku dhacaan oo wax walbo hadii ay waqtigooda ka dhacaan oo go’aanka ku gaarnay dhab yahay inaan ka adkeysanno oo ka soconno wax walbo oo waqtigaasi dib inooga riixaya, tan Labaad waxa weeye aduunyo waa qabyo, dadkeena Miyiga jooga waxay yiraahdaa adduunyadu waa ratti Seddex, ratti Seddax saaran yahay wuu dheelinayaa mar walba, wax kaamil oo dhameystiran ma jiraan laakiin qabyo dhameystir ayeey leedahay laakiin iyadu waa in lasii daba joogo oo lasii qurxiyaa, wixii maanta inoo surta gal ah oo aan dhameyn karno aan qabanno oo aan ku wada jireyno oo an ku wada mideysnaaneyo, wixii aan qurxineyno oo maanta naga qaldan inaan berri wax qurxinno oo wixii maanta naga dhiman aan dhameystirno go’aan ayaa horay uga gaarnay oo ah doorashada 2016 waxa ku hareereysan oo aan sameynayno oo dhan waxay ku egyihiin 2016 doorashadeeda, 2016 illaa 2020 mashruuc kale oo guulihiisa wato waaye, marka wixii aan isla garannay in maalmo xadidan iyo baryo xadidan dhexdooda ay ku dhammaanayaan oo fursad kale inoo furan tahay inaan saxno waaye oo wixii na anfacaya oo wixii na anfacaynin dib isaga dhignaa, iska reebno waaye fursadaasi wey furan tahay waan ku heshiinnay waan ku ballanay waana isku raacnay, ,aalinta fursaddaasi ay furan tahay cid walbo oo naga mid ah oo joogta mas’uuliyad ayeey saaran tahay iyo cidda kale ee timaada misane xil qabata, wadaasi wey muuqataa lagamana leexanayo.
“Wax badan Dastuurkii ayey inooga xiran yihiin waxayna rabaa in dib aan u saxno, wax walbo oo Dastuurka ku yaalla oo hadda noo yaalla ee waxa maanta rabno inaan sameyno waxay u baahan tahay si aan wax u sharciyeesno, baarlamaanka Federaalka ah intaas oo jeerna horay waa u sheegay, fikrado badan ayaa jira oo ah sidee loogu gudbaa 2016, dowladnimo ayaan ka shaqeynaynaa wax walbo inay sharci ku tiirsanaadaan ayaan rabnaa, sharciyadii meesha ay yaalleenna waa halkaan, waxaan baarlmaanka ka codsaneynaa qeylo ayaa yeertay, masjidka haloo cararo isagiina qeylo ayaa ka yertay inaanay noqon baan rabnaa qeylaa yeertay oo Baarlamaankii ka yeertay aysan noqon, dadkaan bannaaka jooga ee shacabka leh, mas’uuliyadaha kale leh, dowlad goboleed leh, xukuumad leh qeylida iyaga haka soo yeerto iyaga aan celcelinno, oo aan ku toosinni qancin iyo wada hadal laakiin hadii qeylada annaga xaggeena ay kasoo yeerto xoogaa wey dhib badaneysaa anniga oo ku hadlaya magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya baarlamaanka ka codsanayaa shuruucdaan maanta hortaalla maantana joogta waqtigeeda waan sameyn doonnaa waana ka qancin donna waana ansixin donnaa hadii alle idmo waxaan maanta idiin hor imid waxay tahay waqtiga waaye, aan iska dhaafno caadifadaha ah waa naloo talinayaa, dibadda ayaa wax nalooga qorayaa, xagga ayaa nalaga yeelayaa, faragelin ayaa nalagu hayaa, hadii aan anaga tashan weyno oo aan sameyn weyno waxa aan awoodda u leenahay faragelin ma hureyno, in naloo taliyo ma hureyno, hadii aan tashan weynno waa naloo talinaa, xor ayaan nahay, kaligeen ayaa baarlamaanka fadhina, dhammaanteen waan isla joognaa cid inoo dhiman oo talo qaran ugu yeeraneyno maanta nagama maqna waayo waan joognaa, wixii maanta naga soo baxa iyo muuqaalka maanta naga soo baxa oo shacabka Soomaaliyeed ay arkaan maanta bannaanka taagan oo beesha caalamka oo ahayd awoodda ugu sareysay ee Golaha ammaanka ay maanta Xamar ku shirayaan waxaan is leeyahay maanta waa maalin taarikhi ah oo taariikhda ku qormeysa waxa yar yare e si shaqsi , si beeleed, si kale nooga dhaxeyso maanta aan dib u riixno, muuqaalki iyo rajadii aan soo abuurnay baryahan oo dhan oo dalki in horay u socdo siyaasaddiisa dhismeyso 2016 waqtigeeda lama dhaafayo horay u dhahdeen maanta yaanan muujin oo calaamad su’aal saarin madaxeena oo dadka Soomaaliyeed iyo caalamka yeeysan inoo arag dad ay ka suurowdo inay ka noqdaan wixii shalay ay ballanqaadeen, oo gadaal u noqdaan Seddax Tallaabo”
“ Fursad ayaan leenahay, wixii qaldan ayaan saxeynaa, waxaan annagu haysanno oo leenahay ayaan kala qaadaneynaa, waan kala jiidaneynaa waan qeybsaneynaa waan kala baryeeynaa, laakiin waa annaga dhexdeenna, haddii aan sidaa yeeli weyno waa in cid kale timaado oo wax inoo kala qeybiso weyna dhici jirtay aad iyo aad ayaan idiin kaga codsanayaa inaad xusuustiina dib u celisaan in naloo qeybin jiray markaan wax qeybsan weyno markaan heshiin weynno waa nala heshiisiin jiray, maanta sharaftii iyo karaamadii ayeey joogtaa fadlan yaanay aadin waddo aan ahayn waddaasi inaan qaadno annaga oo aad iyo aad uga xanuunsan lana wadaagayo dareenka ay qabaan dadyowga qaarkiis, xildhibaannada qaarkood, deegaanada qaarkood beelaha Soomaaliyeed qaarkood, laakiin gacmahaaga maalinba mid baa la barkadaaye maalin walbo qof baa dareenkiisa in inooga tanasulo soo barkaneynay oo intaan kusoo gaarnay waxaan codsaneynaa walaalha tabashada iyo dareenka qabo ma moogin tabashadooda, wixii maanta aan qaban weyno berri ayaan qabaneynaa laakiin hadii maanta meeshaan ku jirnaa berri iyo maantaba waxbo ma qabaneyno, waxaan codsanayaa inaan horay u soconno, isku dul qaadanno, go’aanno adadag oo qaraar horay usoo gaarnay maantana inaan xoogaa intaan qumbacno oo hoos isku dhigno oo aan qaadanno, dadka tabashada qaba ee deegaannada iyo dhulka Soomaaliya qeybaha kala duwan iyo qabaa’ilka intaba waxaan diyaar u nahay inaan idin qancinno dhageysanno u sheegno waxay dhibsadeen inaan qaadanno waana hubaa inay nala qaadanayaan markii ay na dhageystaan annaga oo garowshiyo badan muujineyna, inta maanta meeshan ku dhex fadhinno dalka Soomaaliya intii mas’uulka ka ahayd ee codka qarannimada iyo dowladnimada haysatay ee Soomaaliya waa intan, waxa naga maqan waa mas’uuliyad qeyb ka mid ah Soomaaliya haysa, ama xil gaar ah, qaranka Soomaaliya la yiraahdo dadkii mas’uulka u ahaa madaxweyne, Ra’iisul wasaare, wasiiro, xildhibaanno iyo guddoonkooda meeshaan ayeey dhex fadhiyaan, mar kale waxaan codsanayaa in Labadaasi xeer ee meesha taalla guddoomiyahana ka hadlayey xukuumadana baasgareysay baarlamaankana guddi u saaray intaas oo maalin guddiga inta gedgdediyey qodob qodob inta u qaaday la isku qabsaday meeshaas maanta qoraalka uu taagan yahay meel ka roon oo la geyn karo la soo waayo wakiil ayey idinka ahaayeen shalayna baarlamaanka ayaa magacaabay annagana waan la shaqeynay wixii laga qancin karay ama lagu kordhin karo ra’yi ahaa waan ku kordhinnay maanta waxaan ku joognaa dadkaan guddiga aad magacaabateen, xukuumaddii madaxweynihii iyo guddoonka baarlamaanka isleenahay waan idiin keennay,haddii aan kaligeen ku filannahay inaan dhahno waan dhameysannay intana waan ka bixi lahayn, muhiimadda aad leedihiin waa wixii aan sidaas u soo wadna inta soo qaadnay idiin keennayaa umadda Soomaaliyeedna sharaf ayeey u tahay, inaan akhrinno waaye muuqaalka noocaas, waan idiin keennay waana daba soconnaa codsigeyna waxaan fileynaa inaad nooga aqbashaan sida ay tahay, wixii dhimanna in laga hadlana adduunyo wey sii furan tahay maantana kuma eka wax walbo baarlamaankana meesha kuma eka illaa baarlamaanka kale ka imaanayana wuu joogayaa” ayuu hadalkiisa ku soo gabageeyay madaxweyne Xasan Sheekh.
Goobjoog News