Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in Ambassador Yamamoto uu noqonayo Madaxa Howgalkooda Soomaaliya isagoo lagu badalay Ambassador Kaeuper oo isna shaqada soo galay dhamaadkii sanadkii hore.
Yamamoto waxaa uu heystaa ilaa 30 sano oo khibrad ah, waxaa uu horay u soo noqday Safiirka Mareykanka ee Wadamada Itoobiya(2006-2009) iyo Djaburi 2000-2003dii.
Yamamoto waxaa uu diblomaasiyadda soo galay 1980-kii, waxaa uu sidoo kale ka soo shaqeeyay safaaradda Mareykanka ee Beijing.




From the comments