U bood dhigaalka

Qodobada Dastuurka Ee Saameynta Uu ku Yeelanayo Sharciga Doorashada Dadban

Sheeko:War

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray Shuruurcii doorashda  ee 2016, shuruucdan ayaa ka dhashay hannaankii doorasho ee xukuumadda federaalku usoo gudbisay baarlamaanka bishii April 30-dii, iyadoo ay lagama maarmaan noqotay in qodobbo ku jira Dastuurka Federaalka Soomaaliya in saameyntooda la hakiyo.

qodobada qaar shuruurcda doorasho, waa kuwo loo fasiran karo in baarlamaanku uu ku doonayo muddo kororsi, maadaama aaney jirin sabab keeni karta in qodobka 60aad, faqraddiisa  1aad ee mudada xilhaynta baarlamaanka 9aad la laalo .

Hadaba, Akhristayaasha Goobjoog News waxaan usoo gudbineynaa qodobada Dastuurka ee sharciga doorashda dadban uu si toos ah u taabanayo.

Qodobada Dastuuriga ah ee sida toos ka ah uu saameynta ugu yeelanayo sharciga doorashda dadban

-Qodobka 64aad ee Dastuurka, Faqraddiisa 1aad

Xubnaha Golaha Shacabka waxaa si toos ah , qarsoodi ah, oo madaxbanaan u dooranaya shacabka Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya.

-Saameynta qaanuuneed ee uu leeyahay qodobka 64aad faqraddiisa 2aad waxaa dib loogu dhigay doorashda baarlamaanka 11aad ee la qaban doono sanadkan 2020, waana sida ku qoran sharciga doorashada dadban ee baarlamaanka horyaalla.

-Qodobka 72aad ee Dastuurka

Xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka waxaa si toos ah, qarsoodi ah oo madaxbanaan u dooranaya shacabka Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, tiradoodu waa ugu badnaan 54 xildhibaan oo ka imanaya 18 gobol ee Soomaaliya lahayd ka hor sanadkii 1991-dii.

-Saameynta qaanuuneed ee uu leeyahay qodobka 74aad ee Dastuurka waxaa dib loogu dhigay doorashda baarlamaanka 11aad ee la qaban doono sanadkan 2020, waana sida ku qoran sharciga doorashada dadban ee baarlamaanka horyaalla

-Qodobka 111G ee dastuurka, Faqradiisa 2aad xarafka (b)

Guddiga Qaranka ee madax banaan ee doorashooyinku uu maamulayo doorashooy doorashooyinka federaalka.

-Qodobka 111G ee Dastuurka, Faqraddiisa 2aad , xarafka b, waxaa adeegsigiisa dib loogu dhigay doorashada baarlamaanka 11aad oo la qaban doono 2020.

-Qodobka 136aad ee Dastuurka, Faqradiisa 2aad

Qodobkan ayaa oranaya: Afti la qabtay taasoo khusaysa dastuurka Kmg oo wax laga bedelay oo la qabto dhamaadka mudada xilka ee koowaad ee Golaha shacabka codbixiyayaasha jamhuuriyadda waxaan ku qaadan karnaa dastuurka cusub cod aqlabiyad leh oo ay ku taageeraan wajiga kama dambeysta ah ee Dastuurka.

-Saameynta uu leeyahay qodobka 136aad, faqraddiisa 2aad ee Dastuurka Federaalka dib ayaa loo dhigay, waxaana qabashda aftidan qarameed la abaabuli doona inta lagu jiro muddada xilhaynta baarlamaanka 10aad ee 2020, waa sida ku qoran sharciga doorashada dadban.

-Qodobka 60aad ee Dastuuraka, Faqraddiisa 1aad

Mudada xilhaynta baarlamaanka federaalka waa afar sanno oo ka bilaabata maalinta natiijada doorashda lagu dhawaaqo.

qodobka cusub ayaa ah in mudada xilhaynta baarlamaanka ay ku egaakaneyso maalinta lagu dhawaaqo natiijada doorashda baarlamaanka 10aad ee cusub.

– Si aysan u dhicin firaaq ku yimaadda jiritaanka hay’adaha dowladda, sida ku cad qodobka 60aad faqradiisa 1aad, mudada xilhaynta rasmiga ah ee baarlamaanka 9aad waa maalinta lagu dhawaaq natiijada doorashda baarlamaanka 10aad ee Cusub, waxayan u muuqataa in gabi ahaanba la laalay qodobkan, waana sida ku qoran sharciga doorashda dadban.

Ugu dambeyn, Waxaan la ogeyn sida sharcigani uu soo dhaweyn uga heli karo madaxda Madasha Qaranka iyo Beesha caalamanka, iyadoo ay durbaba jiraan hanjabaadyo ka yeeraya Puntlanad oo ku saabsan qodobada sharciga ee baarlamaanka horyaalla.

Goobjoog News