U bood dhigaalka

Shacab Ku Go’doonsan Xaafadaha B/weyne

Sheeko:Dalka

Wabiga Shabelle ayaa ku fatahay guud ahaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, taasi oo sababtay in gabi ahaanba adeegyadii bulshada ee magaaladaasi ay xirmaan.

Waddooyin badan oo soo gala magaalada Baladweyne ayaa lasoo sheegayaa in biyo badan ay jareen dadkii ku sugnaa magaaladaasina aanay u suurta gal ahayn in hadda magaalada bannaanka uga baxeen.

Waxaa hadda daadkaan ka badbaaday meello kooban oo meel sare (Taag ah) saaran, iyadoo dadka ay xaalad adag soo wajahday.

Guud ahaan adeegyadii korontada ee Baladweyne ayaa hawada ka maqan, waxaana sidoo kale xiran suuqyadii ganacsiga ee Baladweyne.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan Baladweyne oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dadka badi ay ahalkaasi isaga baxeen markii ugu horreysay ee fatahaadda billaabatay, hase ahaatee dadkii kale ee halkaasi ku haray ayeey xaaladdu tahay mid aad ugu adag.

Dhinaca kale dadkii ku barakacay deegaanka Ceel-jaalle ee gobolka Hiiraan waxaa lasoo sheegayaa inay soo wajahday xaalad adag oo dhanka nolosha ah iyaga oo u baahan gurmad degdeg ah.

Goobjoog News