Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ayaa joojisay Imtixaankii fasalka 8-aad ee Dugsiyada Puntland kadib markii la sheegay in koox burcad ah oo abaabulan ay weerar ku qaadeen imtixaanaadkii fasalka 8-aad tuulada qarxis ee hoostagta degmada Eyl ee gobolka Nugaal, iyaga oo jabsaday qolkii warqadaha Imtixaanka ku xareysnaa kadibna qaatay.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada Puntland Maxamed Cabdulqaadir Cismaan oo shir saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Garoowe ayaa sheegay in ay soo qabqabteen kooxdii falkaasi ka danbaysay islamarka sharciga lala tiigsan doono.
Waxa uu sheegay in dib loo dhigay illaa maalinta Arbacada islamarkaana dhammaan deegaannada Puntland Imtixaanka Fasalka 8-aad dib loo geli doono, kuwa aan gelinna ay iyaguna maalintaasi galayaan.




From the comments