Istanbul waxaa maanta ka furmay shir Banii’aadamnimo kii ugu horeeyay, waxaa ka qeybgalay ilaa 50 hogaamiye oo ka tirsan wadamada ku jira qaramada Midoobey.
Hogaamiyeyaasha maanta shirka ka qeybgalay waxaa ka mid ah: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, Chancellor Angela Merkel, Ra’isul Wasaaraha Dutch-ka Mark Rutte, Ra’isul Wasaaraha Lebanan Tammam Salam iyo Amiirka Kuwaiti Emir Al-Jaber al-Sabah.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dalkiisa ay martigeliso qaxootiga ugu badan caalamka oo ka yimid dalalka Suuriya iyo Iran, isagoo intaa ku daray i Turkiga aanu albaabada ka xiran doonin hal qof oo Insaan ah oo dhibaateysan.




From the comments