Wararka ka imaanaya degmada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Jubbaland oo garab ka helaya kuwa Kenya ee AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah.
Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday sida la sheegay duleedka degmadaasi gaar ahaan ciidamada is garabsanaya oo halkaasi ku sugnaa.
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, waxaana la sheegayaa in weli rasaas ay halkaasi ka socoto.




From the comments