Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado ayaa ku dhawaaqay in lasoo gabagabeeyay kalfadhiga 2aad ee baarlamaanka Galmudug.
Guddoomiye Cali Gacal ayaa xusay iney fasaxa uga faa’ideysanayaan bisha Ramadaan isla markaaana ay xubnaha la doonayaan iney guryahooda ku soomaan:
“Maanta oo ay taariikhdu tahay 24.05.2016, waxaan xirnay kalfadhigii 2aad ee baarlamaanka dowald goboleedka Galmudug, kalfadhiga 3aad waxa uu inoo furmi doonaa haddii bacda Ramadaan, sababaha fasaxa loogu soo aadiyay wakhtiganna baarlamaanka shaqaa u taalla, laakiin maadaama aan nahay dad Muslim ah bishii Ramadaanna ay nagu bilatay oo ay dhalaneyso oo aad ogtihiin iney ka harsan tahay muddo yar, in lagu soo soomo guryaha oo markii ay dhamaatana uu baarlamaanku howshiisii dib u wato”.




From the comments