Maamulka degmada Afgooye ayaa dayactir ku billaabay Buundada yar ee deegaanka Tixsiille oo ka mi dah deegaannada Hoostaga degmadaasi.
Gudoomiyaha dhanka amniga ee maamulka Afgooye Mahdi Xasan ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News inay wadaan dayactirka Buundadan oo aad u muhiim u ah.
Waxa uu tilmaamay in gaadiidka isticmaala wadada isku xirta Afgooye iyo Wanlaweyn ay mari jireen Buundadaasi, waxaana uu sheegay in ay hadda maraan waddooyinka Qardo jeex ah.




From the comments