Maanta oo sabti ah waxaa guud ahaan dalka ka billaabanaya Imtixaanka mideysan ee Shaadiga Dugsiga sare kaasi oo ay u fariisanayaan kumamaam arday ah.
Wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya ayaa imtixaankan qaadeysan, iyadoo lagu qaadi doono dhowr xarumo oo dalka ah.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu kormeer ku sameeyo qaar ka mid ah xarumaha Imtixaanka mideysan lagu qaadayo.




From the comments