In ka badan Boqol Kun (100,000) oo Siiriyaan ah ayaa ku xanibmay meel u dhow xuduuda dalka Turkigu uu la wadaago gobolka Alepo xili dagaalyahanada Ururka Daacish ay ku soo siqayaan Dhulka uu mucaaradka qunyar socodka ahi haysto.
Dhaqaaatiirta aan xuduudda lahayn ayaa sheegay in ay kala baxeyn shaqaalahooda Isbitaalka Al-Salamah halkaas oo uu ku yaallo isbitaalku ugu weyn oo ay maamusho MSF kuna yaalla dalka Siiriya.
“Aad ayaan uga walaacsanahay xaaladda iyo meesha ay ku dambeyn doonaan bukaannadeenna iyada oo dad lagu qiyaasay 100,000 xuduudda Labada dal ee Siiriya iyo Turkiga u dhexeysa” sidaa waxaa lagu yiri war saxaafadeed uu soo saaray Pablo Marco oo MSF u qaabilsan dhanka howl-gallada.




From the comments