Magaalada Qardho waxaa lagu soo gabagabeeyay shir ay lahaayeen ku dhawaad 100 Oday dhaqameed oo isaga kala yimid qaar ka mid ah gobollada dalka, loogana hadlayey arrimo dhowr ah oo dalka ku saabsan.
Shirkan waxaa gogoshiisa fidiyey Boqor Burhaan Boqor Muuse, waxaana si wadajir ah Odayaasha ugu baaqeen in la joojiyo guud ahaan dagaallada sokeeye.
Waxay sidoo kale Odayaashan kulankoodan ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan inay ka shaqeenaa nabadda iyo midnimada.




From the comments