Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu shir uga furmo madaxda madasha Wadatashiga qaran, kaasi oo looga hadli doono arrimo dhowr ah.
Hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, kuwaasi oo qeyb ka ah madaxda mashada ee shirkan ka qeybgalaysa.
Shirkaan ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimo la xiriira doorashooyinka, maadaama madaxweyne Xasan Sheekh dhawaan uu xeer madaxweyne ku meel mariyey heshiiskii laga gaaray arrimaha doorashooyinka.




From the comments