Korneel Maxamed Kaariye Caraale oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka ee gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay warar saacadihii lasoo dhaafay isasoo tarayey oo ah inuu ku xiran yahay xabsi ku yaalla magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Waxa uu sheegay Kaariye in uusan jirin wararkaasi islamarkaana ciidamada Itoobiya wax jir dil ah ugu geysan magaalada Baladweyne.
“Aniga ma xirni, dacwo waa la igu soo eedeeyay nin dacwo baxaya baan ahayn, aniga wixii la ii qabo sharciga ayaa lagu kala baxayaa, aniga Itoobiyaan habeen iyo maalin midna ima xirin, aniga waxaan kaala hadlayaa Baladweyne, waxaan ku suganahay xerada guutada 10-aad ee ciidanka xoogga dalka” ayuu yiri Korneel Kaariye.




From the comments