Haweenka Soomaaliyeed Oo u Gurmanaya Shacabka B/weyne

Gudoomiyaha ururka Haweenka qaranka Soomaaliyeed Batuulo sheekh Axmed Gaballe ayaa sheegtay in dadaal dheer ay ku bixinayaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeengurmadka dadka shacabka ah ee dhibaatada kasoo gaartay Fatahaadda Wabiga Shabelle iyo colaadda ka jirta gobolka Hiiraan.
Waxay tilmaantay in gurmashada dadkaasi ay qof walbo ka saaran tahay waajib ah, ka urur ahaanna ay ka shaqeynayaan sidii ay u gaarsiin lahaayeen intii ay awoodaan walaalaha Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan ku dhibaateysan.
“Cid walbo waajib baa ka saaran inay u gurmato shacabka Hiiraan, haweenka Soomaaliyeedna kaalin ayeey ka qaadan doonaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, waayo waxaa dadka dhibateysan u badan Haween iyo Carrauur” ayeey Batuulo.
Iyadoo sii hadleysa Batuulo waxay sheegtay in iminka ay jiraan isbahaysiyo gurmad ah oo dowladda Federaalka, Jabuuti iyo beesha caalamku ay ku garab istaagayaan dadka ku nool gobolka Hiiraan, waxayna sheegtay in iyaguna ay qeyb ka yihiin.
“Guud ahaan waan la soconnaa dadaalka ay wadaan dowladda Federaalka, beesha Caalamka, waxaan kaloo u mahadcelinaynaa Hiil walaal, dowladda Jabuuti iyo marwada madaxweynaha Jabuuti oo gurmad degdeg ah soo gaarsiisay shacabka ku dhibaateysan gobolka Hiiraan, waxaa loo baahan yahay in lala shaqeeyo guddiga gurmadka oo ah guddi u taagan in si tabarrucaad ah umadda ugu shaqeeyaan samatabixintooda”
Magaalada Baladweyne waxaa ku fatahay Wabiga Shabelle waxaana jira shacab badan oo ku dhibban gudaha iyo bannaanka magaalladaasi.
Goobjoog News