Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay adkeeyeen ammaanka guud ee deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo sidoo kalena ay wadaan qorsheyaal lagula dagaallamayo Al-shabaab.
Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cara Case oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka gaarka ah ay deggan yihiin ugu yaraan 20 xarumood oo loogu tala galay in amniga la sugo.
“Amniga aad baan u adkeennay ciidamada gaarka ah waxayu diyaarsan yihiin inay la dagaallamaan Nabad diidka Al-shabaab, waxay ciidanka ka hortageen weeraro ay Al-shabaab geysan lahaayeen, sidoo kale waxaa socda weerarada lagu bartilmaameedsanayo Al-shabaab” ayuu yiri Taliyaha.




From the comments