Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa cambareeyey weerarkii gelinkii dambe ee shalay lagu qaaday Hotelka Ambasador ee magaalada Muqdisho, kadib war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa.
War-saxaafadeed:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa cambaareeyey weerarka argagixiso ee lagu qaaday hotelka Ambassador, kaasoo ay waxyeelo ka soo gaartay shacab iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliyeed, kuwaasoo u adeegayay bulshada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen xildhibaanada kala ah Cabdullaahi Jaamac Xuseen (Kabaweyne) iyo xildhiibaan Prof. Maxamuud Maxamed Guure, waxa uuna alle uga rajeeyey inuu naxariistiisa janno siiyo.




From the comments