Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in dagaal u dhaxeeya Beello halkaasi wada deggan uu xalay illaa saakay halkaasi ku dhexmaray.
Deegaan lagu Magacaabo Dharkeyn kuna dhaw degmada Laascaanood ayeey beellahani ku dagaallameen waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.
Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintay 8 qof oo ay ku jiraan dhinacyadii dagaallamay iyo dad shacab ah.




From the comments