Mooshin ka Dhan ah Wasiirka Maaliyadda iyo Hanti dhowrka Guud oo Xildhibaanno ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka ay Soo Gudbiyeen
Sheeko:War

Mooshin loogu yeerayo wasiirka maaliyadda iyo Hanti dhowrka Guud oo nuqul ka mid ah ay heshay Goobjoog New, ayaa loo gudbiyay guddoonka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Arbacadii lasoo dhaafay ee 1.06.2016.
Xildhibaanada baarlamaanka ee mooshinka soo gudbiyay ayaa waxay ku sababeeyeen iney arkeen boob baahsan iyo mushaaraadka ka maqan shaqaalaha dowladda, iyagoo farta ku fiiqay iney jiraan lacago dowladda loo soo shubay oo ay ka heshay dalalka Turkiga iyo kuwa kale oo Carbeed.
Xildhibaanadan ayaa intaa sii raaciyay in bishii barakaysneyd ee Ramadaan la galayo sidaa darteed loo baahan yahay in loo yeero wasiirka iyo hanti dhowrka Guud si loola xisaabtamo.
Halkan Guji si aad u Akhrisato Mooshinka iyo Xildhibaanada Ku Saxiixan