Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in raashiin gargaar ah geyn doonto deegaannada maamullada Puntland iyo Somaliland ee abaartu ka jirto.
Madaxweynaha dalkaasi Recep Tayyip Erdogan oo shalay safar ku yimid magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladdiisa dhawaan ay soo diri doonto markab weyn oo sida shixnad raashiin gargaar ah si shacabka abaartu hayso loogu gurmado.
Markabkan ayuu sheegay in dalka uu imaan doono inta lagu guda jiro bisha Barakeysan ee Ramadan oo maalmo un inaga xigto.




From the comments