Madasha Hoggaanka Qaran ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 29-ka May ilaa 02-da June 2016. Kulanka oo uu shir-gudoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa ka soo qayb-galay; Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke; Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenga Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte; Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas; Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaan; Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; iyo Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed.
1. Madasha Hoggaanka Qaran waxay tacsi u dirayaan shacabka, qoysaska iyo eheladii ay ka baxeen mas’uuliyiin iyo xubno kale oo shacabka qiimo ku lahaa oo habeen hore ku shahiiday weerar argagixiso oo lagu qaadey mid ka mid ah hoteellada magaalada Muqdisho. Madashu waxay cambaaraynaysaa weerarada waxashnimo ee ee ay argagxisadu la beegsanayso shacbiga aana wax galabsan.
2. Madasha Hoggaanka Qaran waxay soo dhaweysay xeerkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka soo saaray hannaanka geedi-socodka doorashada ee ay horay ugu heshiiyeen 12-kii Abriil 2016. Madasha Hoggaanka Qaran waxay mar kale ku celisay ballanqaadkeedii hore ee ahaa inay ka go’an tahay in ayan jiri doonin muddo kordhin lagu sameeyo muddo-xileedka uu dastuurku u xaddiday hay’adaha sharcidejinta iyo fulinta iyo in doorashooyinka ay dhacayaan xilliga loogu talo galay.
3. Madasha Hoggaanka Qaran waxay ku heshiisay qaababka faahfaahsan ee hannaanka doorashada, oo ay ka mid yihiin waajibaadka shaqo ee Guddiga Heerka Federaal ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHD) iyo Guddiyada Hirgalinta Doorashada Dadban ee Heerka Dowlad Goboleed (GHDG). Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada (GXKHD) waxa looga hadlayaa fadhiga soo socda ee Madasha Hoggaanka Qaran ee 20-ka Juune ka dhacaya Baydhabo.
4. Madashu waxay mar kale ku celisay inay ka go’antahay xaqiijinta ka-qaybgalka siyaasadeed ee haweenka iyo metelaadooda. Sidoo kale Madashu waxay isku raacday in la qaado tallaabooyin dheeraad ah oo kor loogu qaadayo ka-qaybgalka haweenka iyo metelaadooda. Madashu waxay soo dhawaynaysaa magacaabida uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadu u magacaabay guddi heer qaran oo u ololeeya taabagelinta iyo xaqiijinta in la gaaro qoondada loo xaddiday haweenka Somaliyeed.
5. Madasha Hoggaanka Qaran waxay si guud isugu raacday in la sameeyo khariidad/tub siyaasadeed oo qeexan ee 2016 ilaa 2020, si loo xaqiijiyo gaaritaanka doorashooyin leh halbeeg caalami ah (qof iyo cod) oo dhaca marka la gaaro 2020.
6. Madasha Hoggaanka Qaran waxay ku heshiisay in si dhakhsa ah loo dhiso Guddiga GFHD iyo Guddiyada GHDG, iyadoo la rabo in xubnaha guddiyadaas la soo magacaabo ugu dambayn 6-da bisha Juun 2016, shaqadooduna billaabaanto 10-ka bisha Juun 2016. Guddiga GFHD wuxuu u xilsaarnaan doonaa dejinta qorshe hirgelin oo faahfaahsan iyo jadwalka doorashada (kalandarka doorashada) iyo inuu ku dhawaaqo taariikhda ay dhacayaan doorashooyinka sannadka 2016. Guddiyada GHDG, waxey u xilsaarnaan doonaan, fulinta dhammaan howlaha doorashooyinka heer dowlad goboleed.
7. Marka Guddiga Heerka Federaal ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ay ku dhawaaqaan natiijada kama dambeeysta ah ee liiska 275-ta xildhibaan waxaa kama dambeeynta saxiixaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda isaga oo ku soo saaraya faafinta rasmiga ah.
8. Madashu, waxaa ay isku raacday in xubnaha ergada dooranaya halkii xildhibaan ee aqalka hoose ay noqdaan 51 xubnood, halka markii hore ay aheyd 50 xubnood.
9. Ayadoo laga duulayo hehsiiskii horay loo gaaray ee ahaa in doorashada Xildhibaanada qaran ay ka dhacdo Xarumaha dowlad goboleedyada dalka ka jira, ayaa Madasha Hogaamiyayaasha qaranku si guud ugu heshiisay qeybinta xildhibaanada sida ku cad shaxda qaybinta xildhibaannada iyadoo saldhig looga dhigayo labadan qodob:
a. Qaybinta xildhibaanadan waa qaybin ku eg doorashada 2016 kaliya.
b. Qaybintani ma qeexeyso sida deegannada loo kala daganyahay, ee waa heshiis ku meel gaar ah oo ku salaysan 4.5, kuna eg xaaladda doorasho ee 2016-ka oo kaliya.




From the comments