Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in aad loo adkeeyay ammaanka guud ee magaaladaasi.
Kadib markii madasha wadatashiga qaran ay isku raaceen in dhammaadka bishan magaaladaasi lagu qabto shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ayaa waxaa la arkayaa ciidamo badan oo magaaladaasi lagu soo daadiyey.
Dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Baydhabo waxaa la geeyay ciidamo badan oo Koonfur Galbeed ah kuwaa oo amniga xaqiijinaya.




From the comments