Rag hubeysan ayaa habeenkii xalay waxay qof shacab ah ku dileen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Dadka ku dhaqan degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog News in qofka la dilay uu ka mid ahaa dadka degamadaasi deggan, hase ahaatee lama oga ulajeedka ka dambeysay dilkiisa.
Dadkii dilka ka dambeeyay ayaa isaga baxsaday goobtaasi, waxaana dilka ka dib halkaasi gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo howlgallo sameemeeyay.




From the comments