Qaar ka mid ah culimada iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Sool ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal beel maalmahan dambe kasoo cusboonaaday deegaanka Dhakeyn oo ku dhaw degmada Laascaanood.
Waxay si wadajir ah ugu baaqeen beelaha walaalaha ah ee dagaallamaya in nabadda ay qaataan, islamarkaana wax walbo miiska wada hadalka ku dhameeyaan.
Sheekh Aadan Weli oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in maanta aan la joogin waqtigii la daadin lahaa dhiig qof muslim ah waliba Soomaaliyeed, loona baahan yahay in loo turo shacabka aan waxbo galabsan.




From the comments