Goobjoog

Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Galgaduud Oo Maanta Laga Soomin

Deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa maanta laga soomin xilli inta badan dalka maalinta 1-aad la sooman yahay. Degmooyinka kala ah Dhuusmaareeb, Guriceel, Caabudwaaq iyo Xeraale ayaa maanta laga soomin,…

Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Galgaduud Oo Maanta Laga Soomin

Deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa maanta laga soomin xilli inta badan dalka maalinta 1-aad la sooman yahay.

Degmooyinka kala ah Dhuusmaareeb, Guriceel, Caabudwaaq iyo Xeraale ayaa maanta laga soomin, iyadoo Ahluaa-sunna Waljeeca sheegtay in berri tahay maalinta 1-aad ee bisha barakaysan ee Ramadan.

Degmada Cadaado ayaa inta badan laga sooman yahay halkaasi oo xarun u ah maamulka Galmudug, inkatoo ay jiraan dad aan soomin.

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa sheegtay in maanta ay tahay maalinta 1-aad ee bisha barakeysan ee Ramadan.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments