Xildhibaanno Ka Hadlay Booqashada Madaxweyne Xasan Ee Dhadhaab, Kenya

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo kuwo hore uga tirsanaa ayaa si aad ah u soo dhaweeyay safarkii Madaxaweyne Xasan Sheekh ee dowladda Keyna iyagoo ku tilmamaay mid taariikhi ah oo guulo badan laga gaaray.
Xildhibaanad kala ah Maxamuud Cali Dhuux iyo Ex-xildhibaan Maxamed Jaamac Labaale oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa si aad ah soo dhaweeyay safarkii madaxweynaha ee dalka Kenya.
Xildhibaan Maxmuud Cali Dhuux oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa yiri:
” Waxaan ka hadlayaa Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya uu tagay qaxootiga Kenya, taas oo loogu habmalyeynayo socdaalka dheer ee uu maray, iyo soo dhaweynta sharafta leh ee dowladda Kenya ay ku soo dhaweysay, taas oo khuseysa qaxootiga mudada badan joogay walbahaar badan oo hayay laga dulqaaday shalay iyo taageeridda wasiirka amniga ee dowladda Kenya codsiga Madaxweynaha, taas oo lagu dajiyay dadkii walbahaarka badan haystey ee caruurahooda meel ay geeyaan aan garaneyn, dadkaas oo muddo 30 sano ku dhawo meesha joogay, caruurihii ugu dhashayna ay dhowr iyo labaatan jir ay yihiin”.
Ex-Xildhibaan Maxamed Jaamac Labaale ayaa isna dhankiisa sheegay:
“Waxaan aad iyo aad usoo dhaweynayaa una taageerayaa booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay xerada Dhadhaab, halkaas oo ay ku xareysnaayeen illaa shan boqol oo kun (500,000) oo qof oo xaqooti ah oo horey loogu sheegay in November la raraayo, waxaan aad iyo aad ugu farax sannahay dadka shacabka ah oo Soomaaliyeed meel kastaba ha joogaane ay soo dhaweynayaan, in arrintii noocaas ahayd lagu guuleystay in la waafajiyo sharciga caalamiga ah ee qaxootiga, in qofku wakhtigii uu isagu doorto la celiyo in arrintaa dowladda Kenya iyo Madaxweynahu aad la isku la gartay “.
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho taariikhi ah ku gaaray xerada qaxootiga Dhadhaab, madaxweynaha ayaa illaa hadda jooga dalka Kenya isagoo madaxda dalkaas kala hadlay arrinta qaxootiga iyo go’aanka Kenya ay sheegtay iney gabi ahaamba ku xireyso xeryaha qaxootiga ee Soomaalida faraha badan ay ku jiraan.
Goobjoog News