Ciidamada maamulka Puntland ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga waxay ka wadaan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.
Howlgaladaan ayaa ah kuwo ka dheeri ah kuwii ay sameyn jireen ciidanka ammaanka, waxaana la arkayaa ciidamo taagan waddooyinka islamarkaana gaadiidka baaraya.
Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Nugaal C/raxmaan Xaaji Abshir Faarax ayaa sheegay in bisha Ramadan ay aad usii xoojiyeen Ammaanka.




From the comments