Professor C/kariin Daa’uud oo ah qabiir dhanka ammaanka ah ayaa sheegay in xilligaan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM aanay u diyaarsaneen dagaal lagu baabi’iyo Xarakada Al-shabaab.
Waxa uu sheegay in AMISOM ay shaqadooda tahay in ay la dagaallamaan Al-shabaab, islamarkaana qarash ay ku qaataan inta Al-shabaab jiro, sidaa darteedna AMISOM ay danteeda ku jirto in Al-shabaab sii joogaan waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Waxaan leeyahay Dagaal shabaab lagu ciribtirayo weli dowladda ma qaadin, ciidamada AMISOM in aysan u diyaarsaneen Al-shabaab inay baabi’yaan waan qabaa, nimankaan meeshaan shaqo ayeey usoo doonteen, waxayna ku helayaan in Al-shabaab jiro, hadii uu shabaab meesha ka baxo baahi ay kusii joogaan meesha ma jireyso, nimankaan AMISOM waxaan u arkaa inay hayaan shaqada nabad ilaalinta ee aysan hayn shaqo nabad dhalin, dowladdana kama ammar qaataan, marka waa niman shaqadooda ilaalsanaya, Shabaabkuna haddii ay arkaan in iyaguna jiritaankooda lagu shaqeysanayo in iyaguna qaadaan weeraro oo caalamka tusaan in aysan wax shaqo ah qaban karin waa la arkaa” ayuu yiri Professor C/kariin Daa’uud




From the comments