Booliiska Dalka Kenya ayaa uga digay dadweynaha ku nool magaalooyinka Mombasa, Malindi iyo Nairobi in ay ka feejignaadaan weeraro ay geystaan Xarakada Alshabaab.
Joseph Boinnet oo ah General Booliiska ka tirsan ayaa sheegay in Ciidankooda ay ka war heleen dhaqdhaqaaq ay wadaan Xarakada Alshabaab iyo in Xarakada ay damacsan tahay weeraro ay ku fuliso gudaha dalka Kenya.
Ninkan waxaa uu sheegayaa in Alshabaab ay khatar ku noqon karaan goobaha ku dhaw xadka Labada dal, oo laga yaabo in ay soo galeen iyaggoo iska dhigaya qaxooti.




From the comments