Diyaaro aan ilaa iyo hadda la shaacin Dowladda leh ayaa maalintii Afaraad waxay duqayn ka wadaan Buuralayda Galgalla ee Gobolka Barri halkaasi oo xarun u ah dagaalyahanno ka tirsan Xarakadda Al-Shabaab.
Dadka degaanka qaar oo la hadlay Goobjoog ayaa xaqiijiyey jiritaanka duqeymahan, sidoo kalena meelaha ugu badan ay tahay buuraha Caalmadow oo Galgala ku yaalla.
Goobjoog News oo xiriir la sameysay saraakiil ka tirsan Puntland ayaa waxay inoo xaqiijiyeen inay ka war hayaan duqeymahan iyo sidoo kale cidda wadda balse ma aanay inoo carabaabin diyaaradahan dagaal halka laga leeyahay.




From the comments