U bood dhigaalka

Haweenka Soomaaliyeed Oo Lagu Dhiiragelinayo Ka Qeybgalka Doorashooyinka Dalka

Sheeko:Dalka

Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha u dooda xuquuqda dumarka ayaa dhiiragelinaya dumarka Soomaaliyeed si ay uga qeybgalaan siyaasadda dalka iyo waliba doorkooda la xiriira doorashada la filayo in dabayaaqada sanadkan ay dalka ka dhacdo.

Kulan maanta oo sabti ah lagu qabtay xarunta degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho oo uu soo qaban qaabiyey taliska AMISOM ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in dumarka ay tahay inay u kacaan muujinta doorka ay ku leeyihiin siyaasadda iyo ka qeybgalka doorashada dadban ee dalka ka dhacaysa.

Laydia Wayotta oo ka socotay AMISOM ayaa kulankaasi mar ay ka hadashay  waxay qirtay in dumarka ay saldhig u yihiin nabadda kasoo ifeysa dalka, waxayna tilmaantay in dumarka xaq u leeyihiin inay ka qeybgalaan doorashada dadban ee dalka.

“Waxaa muhiim u ah Midowga Africa inuu caawiyo dowladda Soomaaliya si nabad soo celinta ugu barbaarto Soomaaliya, waxaan aragnay in Soomaaliya nabad kusoo noqotay, mana dhici lahayn haddii aanay dumarka qeyb ka qaadan lahayn, waxaa inoo caddaatay in dumarka Soomaaliyeed ay saldhig u yihiin nabadda dalkooda” ayeey tiri Laydia Wayotta.

Dhanka kale guddoomiyaha degmada Waaberi Xaawo Kiin oo iyaduna ka hadashay madasha dhiiragelinta dumarka si ay uga qeybgalaan siyaasadda ayaa is dul taagtay ahmiyadda ballaaran ee dumarku u leeyihiin howrumarka dalkeena Soomaaliya.

“Maanta waxa weeyaan in dumarka la dhiiri geliyo xaq bay u leeyihiin in dalka hoggaamiyaan, doorato, la doorto intaas in dumarku xaq u leeyihiin in lagu dhiirigeliyo ayuu barnaamijkaan aas aaskiisu yahay, waxaan aad iyo aad uga mahadcelinaynaa AMISOM Gender oo arrintan iyadu isku xilsaartay” ayeey tiri Xaawo Kiin.

Sanadkan waxaa la filayaa in dalka ay ka dhacdo doorashooyin, waxaana sida la sheegay haweenka ay kuraasta dalka ku yeelan doonaan 30%.

Goobjoog News