3 qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay kadib markii dabley ku hubeysan dharka dowladda Soomaaliya ay rasaas ku furay gaari u soo socday dhanka magaalada Muqdisho sida ay sheegeen goobjoogayaal.
Dableydan dadka waxyeeleeyay ayaa gaariga xabadda ku furay xilli uu mareya tuulada Buulo Gumuray oo ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe.
Dableyda weerarka geystay ayaa la sheegayaa in ay goobta ka baxsadeen markii uu dhibka dhacay, lamana oga sababta ay arrinkaas u geysteen.




From the comments