Guddoonka baarlamaanka Somaliland ayaa ka hadlay inuu jiro qorshe lagu kala qaadayo doorashada madaxtooyada iyo tan golaha wakiilada, laakiin arrinkaasi ku xiran yahay hadba sida uu uga jawaab celiyo madaxweynaha iyo axsaabta qaranka oo go’aan ka qaadashada arrinkaas uu iyaga u yaallo.
Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo ka hadlay warar sheegaya in la kala reebaayo wakhtiga ay dhacayso doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay in arrintaasi ku xiran tahay kolba sida uu uga soo jawaab celiyo Madaxweynaha kadib markii golaha uu guddi u saaray xogta qaabka saami qeybsiga beelaha daga Somaliland ee ka qeyb qaadanaya doorashada Golaha wakiilada iyo tan madaxweynaha.
“Sidaad ogtihiin waxaa jiray saami qeybsigii xeerkii golaha ee loo sameyn lahaa, guddi baan u dirnay lixda gobolba soo dhugtay, waxaan ka sugeynaa madaxweynuhu inuu sadexda xisbi qaran iskugu yeero oo laga tashado saami qeybsiga in sidii hore lagu galayo, wixii saami qeybsi wax laga bedelayo waxay u taallaa xisbiyada Qaranka, talo qaran baan madaxweynaha waydiinay, laakiin tan dambe ee hadda Guddiga doorashooyinka laga sheegayo ma aanan ogeyn kama war hayno”, ayuu yiri Baashe.




From the comments