Maamulka Gobolka Hiraan ayaa sheegay in Degaano badan oo Gobolkaas ah laga saaray dagaalyanada Al Shabaab isla markaana uu gacanta ku jiro dhamaan ammaanka gobolka.
Guddoomiye ku xigeenka Ammaanka Maxamed Ibraahim Cabdulaahi ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada ay qaadeen talaabo kasta oo ay kaga gun gaarayaan sida uu yiri Ammanaka Degaanada Gobolkaas.
Maxamed Ibraahim Cabdulaahi waxaa uu intaa raaciyay in dagaalkii maalmo ka hor ka dhacay Degaanka halgan wax saamayn ah aysan ku yeelan doonin amaanka Gobolkaas.




From the comments