Kooxda dabagalka cunaqabateynta hubka ee Eritrea iyo Soomaaliya (UN monitoring group) ayaa ku sheegay warqad ay heshay Goobjoog News isla markaana loo diray dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey in agaasimaha Soma Oil and Gas ee Soomaaliya aanu wax xiriir ah la laheyn kooxaha Mayalka Adag.
Warqaddan oo la soo saaray June 9, 2016kii waxaa lagu sheegay in Webka Buzzfeed uu daabacay March 10, 2016ka in UN monitoring group uu baarayo xiriir ka dhaxeeya Mr. Xassan Khaire oo ah agaasimaha Soma Oil and Gas iyo Kooxaha mayalka adag.
UN monitoring group ayaa Xasan Kheyre ka bari yeeshay ama ku waayey in uu xiriir la leeyahay Kooxahaas iyadoo sidaana u sheegtay cidda ay arrinkaas khuseyso sida dowladda Soomaaliya iyo qaramada Midoobey.




From the comments