Beeraleyda ku dhaqan degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa walaac ka muujiyey cayayaan dhibaato ku haya dhammaan dalaga ay beerteen, kaasi oo sababaya in beerta aanay u bixin sidii loo rabay.
Cali Maxamuud Cali oo ka mid ah beeraleydan ayaa u sheegay Goobjoog News in caleenta beeraha uu galayo cayayaankan, islamarkaana sababaya in beerta ay ugu dambeyn si iskeed ah u baaba’do.
Cayayaankan ayuu u sababeynayaa Cali Maxamuud in uu soo raacay fatahaaddii Wabiga uu ku sameeyay dhawaan beeraha, islamarkaana hadda ka beeraley ahaan aanay haysan dawo ay cayayaanka kula dagaallaan.




From the comments