Dowladda Federaalka ayaa goor dhaw waxay gacanta ku dhigtay diyaarad siday raashiin dhacay, taasi oo ay lahayd hay’adda cunnada ee WFP.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay kuna sugan garoonka Aadan Cadde ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in diyaaradda ay ku socotay degmada Baardheere ayna wadday 100 kiish oo raashiin ah sida Galey, Buskutka nafaqada carruurta, iyo Saliid.
Saraakiil ku sugan garoonka Aadan Cadde waxay xaqiijiyeen in raashinkaan uu dhacsan yahay Labo Sano.





From the comments