Donald Trump oo ah ninka lagu wado in sanadkan u tartamo madaxtinimada dalka Mareykanka oo Isniintii ka hadlay dilkii Florida ka dhacay ayaa weeraray diinta Islaamka isagoo soo qaaday in muslimiinta Mareykanka ay Khatar ku yihiin dalkaasi iyo jiritaankiisa.
“Soomaali badan oo Qaxootiga reer Minnesota Ah Waxay Isku Dayeen Ku Biirista Daacish, Dadkii Boston qarxiyay waxaa ay dalkan ku yimaadeen Magan galyo doonnimo iyo ninka dilka San Bernandino geystay waxaa uu ahaa nin waalidkii Qaxootinnimo dalka uga yimideen Pakistaan” sidaa waxaa sheegay Trump.
Donald Trump waxaa uu taageerayaashiisa sidoo kale u sheegay in Muslimiinta mayalka adag ay ku soo socdaan xeebaha Mareykanka, looba baahan yahay in arrinkaas tilaabo laga qaado.




From the comments