Tuuryare Oo Xilkii Laga Qaaday
Sheeko:Dalka

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa xilkii looga qaaday taliyahii hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka (NISA) C/raxmaan Maxamed Tuuryare.
Waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh xil ka qaadistaasi u cuksaday qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka KMG dalka u yalla, waxaana lagu sheegay qoraalka inuu tixgelinayo baahi la xiriirta isbedal lagu sameeyo hoggaanka NISA.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xilkan waxa uu si KMG ah ugu magacaabay C/laahi Gaafow Maxamuud.
Taliyahii hore ee Nabad sugidda C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa loo magacaabay inuu noqdo la taliyaha wasiirka wasaaradda amniga.
Goobjoog News