Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay xaruntiisa magaalada Muqdisho ayaa wax ka bedelay Labo qodob oo dastuuri ah.
Labada qodob ee wax laga bedelay ayaa kala ah ; qodobka 136-aad, faqradiisa 2aad waxaanuu qodobkani farayaa in inta lagu guda jiro mudada xilhaynta baarlamaanka 9-aad in la dhameystiro dib u eegista dastuurka iyo afti qaran in la qaado, iyadoo dib loogu dhigay in baarlamaanka 10-aad ay shaqadaa qabtaan maadaama aaney hadda suurtogaleyn.
Qodobka kale ee wax ka badalka lagu sameeyay ayaa ah qodobka 60-aad faqradiisa 1-aad oo ka hadlaya mudada xilhaynta baarlamaanka 9-aad oo 4-sano ah, laakiin hadda waxaa laga dhigay in mudada xilhayntu ku eegtahay illaa inta lagu dhawaaqayo baaralmaanka 10-aad.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News