Hay’adda WFP ayaa ka hadashay raashiin shalay lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ahaa mid dhacay.
Layla Cali oo u qaabilsan xafiiska WFP ee Soomaaliya dhanka xiriirka ayaa Goobjoog News u sheegtay in aysan rumeysnayn in raashiin dhacay uu WFP u yaallo Muqdisho balse ay hubinayaan haddii WFP badeecadeeda loo keydiyey si aan wanaagsaneyn kadibna ay waxyeello soo gaartay.
“Ma Aaminsanin in wax cunno ah oo yaalla xarumaheena Muqdisho ay leeyihiin taariikh dhacday, laakiin waxaan ogaaneynaa haddii raashiinkaannaga si xun loo keydiyey islamarkaana uu hallaabay” ayeey tiri Leyla Cali




From the comments