Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa ku booriyay dowladda Kenya inay kala shaqeyso Somalia iyo Qaramada Midoobay, heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee dib u celinta qaxootiga Xeryaha Dhadhaab ee dhinacyada ay kala saxiixdeen sanadkii 2013-kii.
Kulan uu Ban Ki Moon madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta kula yeeshay magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium oo lagu shaaciyay war qoraal ah oo ka soo baxay Qaramada Midoobay, ayuu ku amaanay Kenya muddaddii dheereyd ee ay marti gelisay qaxootiga Dhadhaab ee Soomaalida u badan, dad ka soo jeeda dalal kale oo gobolka ahna ay ku jiraan.
Bani Ki Moon ayaa ku dhiirigeliyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta inuu kala shaqeeyo dowladda Somalia iyo Hey’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ee UNHCR hirgelinta heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee dhigayay in laga caawiyo qaxootiga Soomaalida ee si iskood ah u doonaya inay ku noqdaan waddankooda.




From the comments