Qoysaska Barakacayaasha ee ku jira kaamka Nasiib ee magaalada Baladweyne una badan Haween iyo caruur islamarkaana abaar iyo colaad uga soo barakacay qaar ka mid ah gobollada kale ee dalka ayaa xilligaan waxaa soo wajahay xaalad adag oo dhanka nolosha ah.
Qaar ka mid ah qoysaskan oo la hadlay Goobjoog News ayaa ka codsaday dowladda Federaalka Soomaaliya, hay’adaha samafalka iyo cid walbo oo Soomaaliyeed in gurmad deg deg ah lasoo gaaraan maadaama lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadan.
Muxubo Sheekh Daahir oo kamid ah dadkii la hadlay Goobjoog ayaa sheegtay inay u baahan yihiin wax walbo oo nolosha u muhiim ah sida raashiinka, biyaha, dawada iyo wax walbo oo aan laga maarmi karin.




From the comments