Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulanka shir guddoominayay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda Mudane C/laahi Axmed Jaamac Ilka-Jiir. Shirka ayaa looga dooday qodobo kala duwan, iyadoo lagu meel-mariyey xubnaha Guddiga Saxaafadda Soomaaliya.
Ugu horeyn, Golaha ayaa warbixinta Amniga ka dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, isagoo sharaxaad dheeraad ah ka bixiyey howlgallada ka socda dalka. Wasiirka ayaa xusay in dagaalladii ugu danbeeyey ee ka dhacay dalka ay sababeen in kooxaha nabadda diidan dhex-dooda ay kala jabeen, iyadoo dhawrkii bilood ee ugu danbeeyey waayeen xubno iyo saraakiil muhiim u ahaa kooxda.
Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Golaha Wasiirada u soo gudbiyey xubnaha guddiga Saxaafadda Soomaaliya, guddigan oo ka kooban 9 xubnood ayaa lagu soo xulay aqoonta ay u leeyihiin saxaafadda iyo shuruucda hagaysa. Golaha ayaa dood dheer kadib ansixiyey guddigan, waxana ay soo jeediyeen in qodobada qaar wax ka badel lagu sameeyo.





From the comments