Magaalada Muqdisho abaare Salaadii subax ee saakay waxaa ka bilowday roob ay dadka ku diirsadeen, inkastoo ay jiraan dad sida uu roobka u billowday illaa hadda uu ku dul da’ayo.
Roobkan ayaa biyo dhigay waddooyinka ugu waaweyn ee magaalada Muqdisho, waxaana dadku qaarkood yihiin kuwo weli aan bannaanka u bixin.
Barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho oo iyagu deggan badi guryo ka sameysan cooshado iyo baco la’isku keenay ayaan haysan meel ay ka galaan roobkan.




From the comments