Suldaan Maxamuud Yuusuf Af-gaduud oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya inay ka shaqeyso sidii sanadkaan dalka uga dhici lahayd doorasho xalaal ah.
Isaga oo suldaanka u waramayey Goobjoog News ayaa sheegay in aysan suurta gal ahayn in la sameeyo wax aysan shacabka rabin, islamarkaana wax walbo oo la sameynayo ku yimaadaan rabitaankooda.
“Dalka waa la wada leeyahay, mas’uulka ugu sareeya iyo kan ugu yar xil baa dalka ka saaran, madaxda waxaa laga rabaa inaysan dadku afduubin oo rabitaankooda ku shaqeeyaan, ayna la tashadaan waxgaradka iyo culimada dalka, oo aysan noqon hebel sidan ma rabo ama hebel baa sidan rabo, waxaan leenahay halaga arrinsado marxalad walbo oo dalka u gudbayo” ayuu yiri Suldaanka.




From the comments