Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu tagay guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Garoonka magaalada Baydhabo ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay guddoomiyaha mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Baydhabo ku dhaqan.
Ammaanka guud ee magaaladaasi ayaa aad loo adkeeyay, waxaana amniga sugaya ciidanka DF, kuwa Koonfur Galbeed iyo ciidamada AMISOM.




From the comments