Ciidamada Booliiska gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu soo waramayaa inay aad u adkeeyeen amniga guud ee magaalada Baydhabo oo xarun u ah gobolka Baay.
Ciidamadan ayaa isku gadaamay guud ahaan magaalada Baydhabo, sidoo kalena waxay xarumo ka sameysteen dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaaladaasi.
Wararku waxay sheegayaan in ciidankan sidoo kale ay taagan yihiin waddooyinka muhiim ah ee magaaladaasi iyaga oo baaraya gaadiidka gaarka ah iyo kuwa shacabka intaba.




From the comments